1 min read

Eedeeyn lagu deg degay!!!

Waxaan Baraha Bulshada ku arkayay Dad ku eedeynayo Xafiiska Ra’isul wasaaraha Shaqaale uu u magacaabay Xafiiskiisa, lagana waayay Qabiilada qaar.

Ma ogtahay, mise aamini kartaa in Dadka shaqaala ahaan hore ugu qornaa Xafiiska Ra’iisul wasaaruha ee heysta warqada Aqoonsigu ey ka badan yihiin 700 Qof. xataa wasaaradaha qaar intaasi kama shaqeyso, taa oo u baahan dib u eegid, laga yaabee in kuwaa hore aad u badneed ama aadanba ku jirin.

Tirada hore ma taqaanid sida ey ugu kala badan yihiin qabiiladu. waxa hadda la magacaabay waa 8 Qof oo u badan la taliyayaal aan taladooda la qaadan. waan kugu raacsanahay in qaarkood eynan Mudneeyn in Sir Qaran lagu aamino, laakin sababta loo shaqaaleeyay Madaxda ayaa og.

Ha deg degin, ileeyn weli ma ogid sida Qabiilada uu ugu qeybin doono Ra’iisul wasaaruhu, Xubnaha ka dhiman Xafiiskiisa iyo Golahiisa wasiirada.

dag dagu door ma dhasho.

Qore: Yahya Amir