1 min read

Col.Barre Hiiraale oo loo diiday inuu tago Gobolka Gedo.

Warar ay heshay saxaafadda ayaa sheegaya in Maamulka Gobalka Gedo ay maanta celiyeen diyaarad soo qaadi lahayd Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiraale) oo doonayay in uu tago magaalada Garbahaarrey.

Wararku waxay sheegayaan in Diyaarada soo qaadi lahayd Col. Bare Aadan shire Barre hiiraale ayuu Maamulka Gedo ku amaray inay soo qaadin karin.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in dib uu ugu soo laabtay hotelka uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kadib markii maamulka gobolka Gedo dib u celiyeen oo ay diideen diyaaradii soo qaadi laheyd.

Bare hiiraale ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo kamid ahaa siyaasiyiintii sida gaarka ahaa kaga soo horjeeday madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.