1 min read

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi RaajicuunAlla ha u naxariisto Mr. Xaashi Cumar Xaissan.

Muddo ka badan 19 Sanno oo uu ku jiray Xabsi gardaro ah, waxa uu ka soo baxay xabsigii, Dalka ayuu ku soo laabtay. Waxa uu bilaabay howlo samafal sida ceel uu ka qoday Miyiga, waxa uu ka qeyb galay xafladii Furitaanka Ceelka ( F.S: 1 & 2).


Waxaa uu maanta u geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa magaalada Mogadishu ilaa haddana ma jirto cid sheegatay. Ma aheeyn Nin ku xiran koox siyaasadeed ama Dowlad. ( F.S: 3aad)

Xashii oo aanan Muddo arag, maba ogeyn in uu wadanka joogay markaan, ayaan Subaxaan ku baraarugay khabarka geeridiisa.

Muddo ayaan isaga daba noqday Dalka Talyaaniga si aan ug qeyb qaato soo deyntiisa, ugu dambeyn waxaan tagay Maxkamad gaar ah oo 200km u jirto Rome oo ku taal Buur dusheed,aadna loo ilaaliyo amaankeeda, Maalintaa ayaan ku guuleeysanay soo deeyntiisa ( F.S: 4 & 5aad)

Anaga oo faraxsan ayaan isku gacan qaadnay Maxkamadda banaankeed Aiga, Xaashi iyo Av. Xassan Ducaale kahiye iyo Qareenadii kale ee Ajnabiga ahaa ( F.S: 6 & 7aad)

Alla ha u naxariisto Xaashi, Dambigiisana Alla ha ka cafiyo, Janatul Fardoowsana Gurigiisa Alla haka dhigo.Aamiin.

Qore: Yahya Amir