1 min read

War-murtiyeed laga soo saaray shir madaxeeedkii IGAD.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa baaq ka soo saaray shirkii ay ku yeesheen Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya.

Shirkan oo uu shir guddoominayay General Abdel Fattah al-Burhan, Gudoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ahna Madaxa Golaha KMG ee Sudan ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyneyaasha Jabuuti, Kenya, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday dalalka Uganda iyo South Sudan.

Madaxda Geeska Afrika ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo nabadgelyada gobolka, iyagoo dhanka kalena walaac xoogan ka muujiyay saameynta sii kordheysa ee ka dhalatay abaaraha halakeeyay dalalka IGAD.

Madaxweynaha martida loo yahay ee Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa mushkiladaha Geeska Afrika ka jira ku qeexay kan ugu daran Qaaradda Afrika.

Mudaneyaal marka aad dib u milicsataan caqabadaha uu wajahayo gobolkeena, ugu yaraan shaki kama galayo in Bariga Afrika uu malaha yahay kan ugu mushkiladaha badan Qaaradda Afrika. Labadii sano ee la soo dhaafay oo keliya gobolkeenu waxa uu wajahay duulaankii Ayaxa Saxaraha, abaar wax ma reebto ah oo weli faro kulul nagu hayso, halis fara-badan oo xiriir la leh kooxaha qaswadayaasha ee xagjirka ah, colaado hub la isku adeegsaday iyo sidoo kale xanuunka COVID-19 oo aan kala mid noqonay caalamka intiisa kale iyo xasaradaha hadda socdo ee ka taagan Yurub.” Ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Kenyatta ayaa intaasi ku daray “Marka aan u nimaano abaarta, waa abaartii ugu xumeyd ee aan aragno muddo 40 sano ah. Xaaladda cunto yarida ayaa ka sii dartay, khayraadkii biyaha ayaa guray, kuna khasabtay inay dad badani barakacaan, taas oo kicin karta, xiisad abuuri karta colaad cusub.”

Madaxda IGAD ayaa baaqa ay soo saareen waxa ay geba-gabadii ay dalalka saaxiibada caalamiga ahi ugu baaqeen in jawaab degdeg ah oo bani’aadanimo laga bixiyo dhibaatooyinka dhinaca bani’aadantinimada ee ka jirta dalalka gobolka.