|

Ruushka oo sheegay inuu gobol muhiim ah kala wareegay Ukraine.

Wasiirka gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay dhammeystireen qabsashada gobolka bariga Ukraine ku yaalla ee Luhansk.

Goor sii horreysay wasaaraddiisa ayaa sheegtay in ciidamadooda ay hareereeyeen Lysychansk oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay difaacayeen ciidamada Ukraine.

MIlitariga Ukraine ma aysan xaqiijin warkan, balse Barasaabka gobolka Luhansk, Serhiy Haidai, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku sii ballaarinayaan sida uu hadalka u dhigay magaalada Lysychansk.

Arintan ayaa imaaneysa hal toddobaad uun kaddib markii ciidamada Ukraine ay isaga baxeen magaalada Severodonetsk.

Posted by on Jul 3 2022. Filed under Caalamka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]