1 min read

Koobka Xulalka Qaramada Afrika oo dib loo dhigay.

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) ayaa ku dhawaaqay in muddo lix bilood ah dib loo dhigay cayaaraha qaramada Afrika ee sanadka, oo ay martigelin lahayd Cote d’Ivoire.

Sida ku xusan go’aanka ka soo baxay xiriirka, cayaarahan ayaa la qaban doonaa horraanta 2024 iyagoo lagu waday inay qabsoomaan bisha June ee sanadka soo socda.

Senegal ayaa ku guuleystay kulamadii hore ee qaramada Afrika, oo lagu qabtay Cameroon, wuxuuna ka guuleystay xulka Masar.