1 min read

Gabadhii lagu eedeeyay Aflagaadada Nebiga (NNKH) oo maxkamad la soo taagay.

Maxkamada sare ee dalka Hindiya ayaa si adag u canaanatay afhayeenka xisbiga BJP Nupur Sharma hadalkeeda kicinta ah ee ku saabsan Nabi Muxamed (NNKH) waxayna sheegtay in hadalkeeda uu dalka galiyay jawi qalalaase dalka oo dhan.

Maxkamada ayaa hadalka Nupur Sharma ku tilmaantay mid xanuun badan, waxa ayna sheegtay in hadii ay afhayeen u tahay xisbi aysan la macno aheyn in ay ruqsad u heysato hadalada noocan oo kala ah.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in sida Nupur Sharma ay u kicisay dareenka guud ahaan dalka, ay tahay qofka kaliya ee masuulka ka ah wax kasta oo dalka ka dhacay.

Maxkamadda ayaa ku amartay Nupur Sharma in ay cafis weydiisto dalka oo dhan.