1 min read

Tacsi tiiraanyo leh: Al-ustaad Axmad Naaji Sacad iyo Maxamed Maclow oo tacsi u diraayaa fanaanadii Khadra Daahir Cige oo caawa geeriyootay

Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuuna waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyootay marxuumada Khadro Daahir Cige oo aheed fanaanad caan ka aheed dhulka Soomaalida dagto.

Marxuumada ayaa geerideeda oo aad looga naxay ayaa waxaa tacsi tiiraanyo leh halkaan uga diraayaa al-ustaad Axmed Naaji Sacad iyo Al-fanaan Maxamed Maclow Nuur iyo dhamaan hobolada waaberi iyo maamulka warbaahinta Somaliweyn.
Waxaan ilaahey uga baryeynaa in janadii Fardowso ilaahey ka waraabiyo qabrigeedana ilaahey u waasiciyo Aamiin