1 min read

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah oo hubkooda wata.

Talisyada Ciidamada Booliska iyo Nabadasugida Gobolka Banaadir & Ciidamada sida gaarka ah  u tababaran ee Booliska Haramcad ayaa xalay howgal ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay Guud ahaan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku bateen falalka amni darro.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen taliyaha qeybta booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole iyo Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge ayaa waxaa lagu soo qabtay Qamri farabadan oo ah Kan dalka dibaddiisa laga keeno, Calaq oo dalka lagu farsameeyo, Xashiish, Kooxo Burcad ah iyo hubkii ay wax ku dhici jireen.

Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir  Cali Calasow Goofjooge oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka dadka lagu qabtay baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono, isla markaana cid kasta oo lagu helo inay qeyb ka aheyd amni darrada tallaabo laga qaadi doono.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaan uu noqon doono mid si joogto ah looga sameyn doono Magaalada Muqdisho si Amniga Magaalada loo hagaajiyo, wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maamulka degmada Kaaraan Abshir Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in  Kooxaha Burcadda ah ay yihiin kuwo ku dhuumanaya Guryaha, wuxuuna Shacabka uga digay inay qariyaan, isaga oo sheegay in qofkii qariya uu lamid yahay dambiilaha.

Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay noqotay mid amnigeeda bilihii la soo dhaafay aad looga deeyrinayay,waxaana Kooxo Burcad ah iyo Ciyaal weero ay dad badan kudileen kuwo kalena ay taleefoono ka qaateen