28 Mar, 2024
2 mins read

Kenya oo sheegtay in aan la xannibi doonin baraha bulshada, kadib digniin la siiyay Facebook.

Kenya ayaa Sabtida maanta ah ku adkaysatay in aysan xannibi doonin baraha bulshada, ka dib markii hay’adda NCIC ay shirkadda Facebook uga digtay halis ah in la mamnuuco haddii aysan wax ka qaban hadallada nacaybka ah ee ay sheegtay in madashaasi lagu soo bandhigay. Hay’adda qaran ee ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ee NCIC loo soo […]

1 min read

Howlgal ciidamada Atmis iyo kuwa Dowladda ka sameeyeen G/Sh/Hoose.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ka tirsan howlgalka ATMIS,waxay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Baraawe iyo Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose. Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka ayaa sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwa ka dhan ah Ururka Al-shabaab, kuwaas oo ay ka sameeyeen deegaannada kala ah Daaboole, Xaliima-yaale, Ceelxiiran, Barooddooy iyo Bulxaluud oo dhamaantood […]

1 min read

Bankiga Adduunka oo Soomaaliya u saxiixay lacag malaayiin doollar ah.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayuu ku sheegay in Bankiga Adduunka uu ansixiyay ku dhawaad $100 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda dowladda. Wasiir Beyle ayaa u jeediyay mas’uuliyiinta Baanka Adduunka, kuwaas oo ansixiyay lacagtaan, wuxuu xusay in taasi ay ku timid kadib markii […]

1 min read

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadlayay is bedel badalka Cimilada.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,  ayaa mgaalada Kampala uga qeybgalay shirweeyne looga hadlayo; Isbeddelka Cimilada, Tahriibka iyo Deegaanka kaas oo ay kasoo qeyb galeen wasiirrada wadamada Africa, IGAD, AU, UNFCC iyo madaxweyneyaal uu ka mid yahay Madaxweyne Yuweri Museveni. Ergeyga oo qudbad […]

1 min read

Kenya oo Facebook ugu hanjabtay inay dalkeeda ka mamnuuceyso.

NAIROBI — Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ayaa u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah inay wax ka qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya. Dalka ugu dhaqaalaha weyn Bariga Afrika ayaa ku jira ololihiisa doorashada kahor […]

1 min read

Duqeyn Diyaaradeed oo lagu dilay Fu’aad Shangole iyo saraakiil ka tisan Al-Shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyn ay ciidamada Itoobiya ku qaadeen saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka Bakool lagu dilay hoggaamiyeyaal sarsare oo ka tirsan kooxdaasi. Xogta ayaa sheegaysa in duqeynta lagu dilay Fu’aad Maxamed Khalaf Shangole, iyo labo sarkaal kale oo ka tirsan Al-shabaab, laakin KNN si rasmi ah uma xaqiijin karto warka […]

2 mins read

Faah faahin: Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Caato.

CAATO — In ka badan 10 qof oo dhinacyaddii dagaalamay ah ayaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen dagaal saakay deegaanka Caato ee Gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Liyu Police ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo dhinac ah iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerarkan ay saakay ku […]

1 min read

Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed iyo wiilkiisa oo qarax lagu dilay.

BAYDHABA — Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay ayaa maanta lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba. Wasiirka ayaa ka soo baxayay Masjid uu ku soo tukaday Salaadda Jimcaha xilliga weerarka lala beegsaday. Ugu yaraan 11 qof oo kale, oo uu ku jiro wiil […]