1 min read

Taageerayaasha wadaad reer Ciraaq ah oo gudaha u galay xarunta baarlamaanka dalkaas.

Taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Ciraaq Moqtada Al-Sadr ayaa markii labaad gudaha u galay baarlamaanka Ciraaq muddo saddex maalmood ah.

Telefishinka ay dowladdu maamusho ee Ciraaq ayaa soo bandhigay mudaaharaadayaasha oo ku soo qulqulaya hoolka iyo waddooyinka ka dib markii kumannaan taageerayaasha wadaad kaas ah oo lulaya calanka Ciraaq ay dibadbax ka dhigeen waddooyinka magaalada Baqdaad.

Dibadbaxayaasha ayaa ka mudaaharaadaya qorshayaasha mucaaradka ee lagu magacaabayo ra’iisul wasaare cusub. Wasaaradda caafimaadka Ciraaq ayaa sheegtay in ugu yaraan lixdan qof ay ku dhaawacmeen dibadbaxyada.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ururka Mr Al-Sadr ayaa ka soo baxay doorashada waana kooxda ugu weyn ee baarlamaanka balse aan lahayn aqlabiyad. Muddo bilo ah oo ismari waa ah ka dib isaga iyo todobaatan iyo saddex xildhibaan ayaa shaqada ka tagay bishii June. Go’aankaas ayaa aqlabiyadda ku reebay kooxda isku dhafka ah ee Iran isbaheysiga la ah.