1 min read

Afhayeenka Madaxtooyadda “Waxaan ka cudur daaranaya in si khaldan la ii fahmay”

Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdikariim Cali Kaar ayaa cudur daar ka bixiyay hadal uu ka sheegay shir jaraa’id ee uu kaga hadlay kulankii dhexmaray Madaxweyne Xasab Shiikh iyo dhigiisa dalka Masar ee Cabdifitaax Al-siisi.

“Waxaan ka cudur daaranayaa in si qaldan la ii fahmay sharraxaaddii aan ka bixiyay hadalkii Madaxweyne Sisi uu ka sheegay shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dhacay Madaxtooyada Al-Itixaadiya.

Wadahadalkooda, labada madaxweyne waxay si gaar ah u qabteen dhammaan khilaafaadka gobolka waa in lagu dhammeeyaa si wadajir ah oo nabad ah” ayuu yiri Cabdikariim Cali Kaar.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka go’an inuu u ololeeyo nabadda, wada-hadallada iyo iskaashiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale”.

Hoos ka akhriso