June 18, 2022
Cali Guudlaawe oo xil ka qaadis ku sameeyay wasiiro ka mid ah Maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa xilkii ka qaaday laba kamid ahaa Golaha Wasiiradda ee Hirshabeelle. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa xilka looga qaaday Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada, Yaxye Ismaaciil Maxamed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Dastuurka Mudane Qadar Xasan Maxamed. Madaxweyne Guudlaawe ayaa Mas’uuliyiinta […]
Al-Shabaab oo dad rayid ah ka afduubtay deegaan ka tirsan G/galgaduud.
Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa dad rayid ah ka afduubtay deegaan lagu magacaabo Baalaldheere oo hoos taga deegaanka Cada-kibir ee Gobolka Gugaduud. Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qadeen dadka deegaanka, isla markaasna tiro kamid ah ay hore u sii ka xeysteen. Ilaa hadda lama oga meesha ay geysteen, mana jiro […]
Ukraine oo u sii dhawaaneysa inay xubin ka noqoto Midowga Yurub.
Madxweynaha midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa taageertay dalabka Ukraine uga yimid oo ah in la siiyo aqoonsiga musharraxnimada si ay uga mid noqdaan Midowga Yurub – taasoo usoo dhaweyneysa Ukraine inay ku soo biirto Midowga Yurub. “Ukraine waa in ay sameyso dib u habeyn “muhiim ah” – ku saabsan sharciga, xuquuqda aadanaha iyo […]
Hay’adda samafalka NRC oo digniin ka soo saartay xaaladda abaarta ee geeska Afrika.
Abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika ayaa si weyn u saameysay Soomaaliya, iyadoo malaayiin qof la sheegay inay wajahayaan cunno yaraan. Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in boqollaal kun oo Soomaali ah ay sidoo kale qarka u saaran yihiin dhimasho, iyadoo boqollaal carruur ahna ay haatanba u dhimanayaan macluul. Hay’adda samafalka ee NRC ayaa […]
Magaaladii shalay Al-shabaab casharka loogu dhigay oo maanta imtixaan looga fariistay.
Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa maanta loo fariistay imtixaanka kama dambeysta ah ee Dugsiyada Sare, waxana tirada ardeyda u fariisatay lagu sheegay 35,000 (Shan iyo Soddon Kun) oo arday. Goobaha imtixaanka saaka loo fariistay waxa kamid ah magaalada Baxdo oo qiyaastii boqol km u jirta degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaas oo shalay dagaal […]
Kooxo budhcadda Internetka oo madaxfurasho u haysta adeegyada isgaadhsiinta dawladda Costa Rica.
Dalka Costa Rica ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyey wuxuu la daalaa dhacayaa weeraro dhinaca internetka ah, kaas oo kooxaha weerarka geysanayaa ay la wareegeen baraha internetka ee qaar ka mida xafiisyada dawladda iyo weliba xarumo gaar loo leeyahay kuwaas oo bixin jiray adeegyo kala duwan oo bulshadu u baahan tahay. Weerarada dhinaca internetka ayaa […]
Buula-berde oo ay isugu darsameen Abaaro daran iyo go’doominta Al-Shabaab.
BUULA-BERDE – Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, abaarta ka jirta Soomaaliya waxaa la diiwaan-geliyay in ay ku barakaceen in ka badan 800,000 oo qof, kuwaas oo u badnaa bulshada xoola dhaqatada ah iyo kuwa beeraleyda ah. Arrintan ayaa uga sii dartay bulshada nugul oo markii hore la tiicayey xaalado amni xumo iyo mid bini-aadanimo. Iyada […]