1 min read

Cali Guudlaawe oo xil ka qaadis ku sameeyay wasiiro ka mid ah Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa xilkii ka qaaday laba kamid ahaa Golaha Wasiiradda ee Hirshabeelle.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa xilka looga qaaday Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada, Yaxye Ismaaciil Maxamed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Dastuurka Mudane Qadar Xasan Maxamed.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa Mas’uuliyiinta ku eedeyay in xil gudasho la’aan, isla markaasna loo baahan yahay in dardar geliyo Howlaha labada Wasaaradood.

Wareegtada laguma xusin cida lagu badalay ama sii wadeysa shaqada ay hayeen labada Wasiir ee ka tirsanaa Maamulka Hirshabeelle.