1 min read

Al-Shabaab oo dad rayid ah ka afduubtay deegaan ka tirsan G/galgaduud.

Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa dad rayid ah ka afduubtay deegaan lagu magacaabo Baalaldheere oo hoos taga deegaanka Cada-kibir ee Gobolka Gugaduud.

Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qadeen dadka deegaanka, isla markaasna tiro kamid ah ay hore u sii ka xeysteen.

Ilaa hadda lama oga meesha ay geysteen, mana jiro ilaa hadda war ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan dadka Rayidka ah ee laga afduubtay Gobolka Galgaduud.

Afduubka waxaa uu ku soo aadaya xilli shalay deegaanka Baxdo ay ku dagaalameen Al-shabaab iyo Culimada Deegaanka oo garabsanaya Ciidamada Galmudug, isla markaasna Dagaalmeyaasha Al-shabaab looga dilay tobanaan kamid ah raggii weerarka qaaday.