1 min read

RW Rooble oo si deg deg ah dalka dib ugu soo laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas u tagay ka qeyb galka shir caalami ah oo looga hadlayay abaaraha ba’an ee ka jirta Geeska Afrika kaas oo saameyn xoog leh ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka ka jeediyay khudbad, isagoo caalamka ugu baaqay inay si deg deg ah loogu soo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaarta la daala dhacaya. Sidoo kale, Hay’adaha iyo dalalka deeqda bixiya ayaa shirka uga dhawaaqay dhaqaale badan oo lagu caawinayo dadka abaartu hayso ee dalaka Geeska Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Rooble. Ra’iisul Wasaare Rooble intii uu ku sugnaa Magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay madax ka tirsan kuwa deeq bixiyaasha ah, isagoo kala hadlay inay gurmad la gaaraan dadka Soomaaliyeed ee la dhibaatoonaya abaarta.