1 min read

Talyaaniga oo ka dhacday doorasho ka yaabisay caalamka

Dalka Talyaaniga doorashooyin maalmahan ka socday laguna dooranayay madaxweyne cisub ayaa fashil ku dhammaaday, iyadoo baarlamaanka dalkaasi dantu bidday inay dib u doortaan madaxweynihii muddo xileedkiisu dhammaaday ee Sergio Matarella.

Xisbiyada siyaasadda ayaa muddo toddobaad ah baadi goob ugu jiray qofkii bedeli lahaa, iyadoo haweeney xilal kala duwan ka soo qabatay dowladda Talyaaniga ay u dhiwaatay in xilkaasi loo magacaabo xilka Madaxweynaha, hase yeeahee inaysan galaangal ku lahayn a rrimaha siyaasadda dalkaasi.

Sergio Matarella madaxweynaha mar kale la doortay oo muddo lix maalmood ah isaga guuray xarunta madaxtooyada isla markaana horay ugu dhawaaqay inuusan mar kale u tartami doonin xilka madaxweynaha ayaa sheegay inuu aqbal codsiga inuu sii hoggaamiyo talada dalka Talyaaniga.

Dhinaca kale arrintan oo noqotay mid ka yaabisay caalamka isla markaana dhif iyo naadir ka ah dowladaha adduunka.