1 min read

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhoofay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii uu martiqaad ka helay dowladda Imaaraadka Carabta.

Socdaalka Ra’iisal Rooble oo markii ugu horeysay ku tegayo magaalada Dubai ayaa waxaa lagu sheegay inuu ka qeyb gelayo shir madaxeed dhex maraya dalalka Afrika iyo madaxda dalkaasi, kaasi oo looga hadlayo iskaashigaImaaraadka Carabta iyo Afrika.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulamo magaalada Dubai ku dhex marayaan wufuuda dalka Soomaaliya iyo madaxda Imaarraadka Carabta, kaasi oo looga hadlayo sidii labada dhinac u xoojin lahaayeen xiriirkoda iyo qodobo kale.

Ahirka ka furmay Dubai ayaa la filayaa inuu furmo maalinta berri ah ayaa socanaya muddo laba maal8n ah sida qorshuhu yahay, halkaasi oo khudbado kala duwan ka jeedinayaan madaxda shirka ka qeyb galeysa.

Shirkaan oo ah midkii ugu weynaa ee ka dhaca dalkaasi Imaaraadka Carabta ayaa u muuqda mid dowladaha Khaliijka u dhaxeeya isla markaana loolan adag ugu jira dalalka Afrika sidii ay ku kasban lahaayeen.