1 min read

Deg Deg: Alshabaab oo weerar culus ku qaadday saldhig ay leeyihiin ciidamada Uganda

Weerarku waxa uu bilowday salaaddii subax wax yar uun kaddib, waxana la maqlay qarax weyn oo loo malaynayo inuu ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray oo lala eegtay xerada ay dagan yihiin ciidamada nabad ilaalinta hawlgalka kumeel gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer oo qiyaastii Muqdisho u jirta 110 km.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in qaraxa weyn kaddib ay xigeen labo qarax oo kale oo xerada ka dhacay, waxana markii dambe bilowday dagaal faraha la isula tagay oo dhexmaray ciidamada saldhiga fadhiyay oo ah kuwa Ugandha iyo kooxdii weerarka qaaday ee Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay sheegeen inay qabsadeen xerada, isla markaana ay dileen tobannaan ka tirsan ciidamada ATMIS, laakiin ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda.

Illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu dagaalku dhaliyay.

Rayidku wali guryahooda ayay joogaan, inkastoo xabaddaha qaar ee la isku ridayay ay ku dhaceen guryahooda, haddana lama soo sheegin waxyeelo ka dhalatay.

Dadka Buulo Mareer ku sugan waxay BBC-da u sheegeen inay maqlayaan guuxa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helakobtariska oo dul heehaabaya magaalada.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hawlgalka ATMIS iyo Dawladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka saaka ka dhacay Buulo Mareer.