Ciidamada Somaliland oo dhoolotus ka sameeyay Gobolka Awdal
1 min read

Ciidamada Somaliland oo dhoolotus ka sameeyay Gobolka Awdal

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milatariga Somaliland ayaa dhoolotus ka dhigay xerada Gorayo-cawl ee aagga galbeed, halkaas oo ay ku soo bandhigeen awooddooda ciidan iyo gaadda ka ciyaar.

Telefishanka Somaliland ayaa sheegay in bandhiggan loogu diyaar garoobayo xuska maalinta 18 ka May, oo ku asteysan maalinta Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ay sheegtay in ay dib ula soo noqotay dawladnimadeedii, kana go’day Soomaaliya inteeda kale.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi ayaa tagay xerada Gorayo-cawl, halkaas oo uu ku daawaday bandhigga ciidanka.

Somaliland ayaa isu diyaarinaysa xusaska maalinta 18 ka May, oo sanad walba laga xuso magaalooyinka waaweyn.