3 mins read

Xuska Maalinta Mowliidka Haa, Haa. WQ:Prof. Yahye Amir

Sawirka shiikha fiiri Adiga oo mobilkaaga dhinaca kale u rogaayo.

Nin Shiikh sheeganayo ayaa Dad meel isagu yimid ku lahaa Xuska Mowliidku ma banaano. Waxa uu Daliishanayay wax uuna isaguba Fahamsaneeyn. Dadkana waxaa soo Jiitay Garkiisa iyo Muuqaalka Culumo iska yeelka ah, aad ayeeyna u dhageysanayeen.

Wiil yar oo meel u dhaw ku Ciyaarayay, Gacmaha ku socday ayaa Gadi Gadi u arkay Muuqaalkii Saxda ahaay Ninkii Shiikha iska yeelayay, Mar kaliya ayuu ku Qeeyliyay: Waa Diiq, Waa Diiq. Dadkii ayaa Arkay Muuqaalkii Saxda ahaa ee Shiikh iska yeelkii kadibna ka kala tagay.
Mobilkaaga kor- hoos u kala gadi si aad u aragto waxa wiilka yari arkay. (F.S: 1-2aad)

Nin wahaabi ah ayaa lagu yiri: maxay tahay Cadaawada aad u qabtiin Rasuulka CSW. Waxa uu yiri: isagaa Cadaawada noo bilaabay. Waxa uu soo qaatay Xadiithkii ahaa: Rasullka CSW ayaa yiri: Allow noo barakeey Yamanteena iyo Shaamteen. Nin Saxaabi ahaa ayaa yiri: Najdigeenana. Rasuulka ayaa Sadax mar ku soo celiyay, Saxiibigiina waxaa uu ku celceliyay Najdigeenana. Rasuulka ayaa yiri: Dhulka Najid waxaa ka dhacayo dhul gariir, Fidno, waxaana ka soo baxayo Quwadda Sheydaanka.
Bilaaddu Najdi waa halka ay ka yimaadeen Museylamata Bin Kadaab, Ninkii Nabinimada sheegtay iyo Maxamed Cabdulwahaab, wax kalena waa ka sugeeynaa.

Tusaale kale

Ma ogolo in la barakeeysto, lagu tawasulo, la siyaarto Qabriga Rasuulka. Waxa ay ka doodayaan in la Xuso Maalinta Mowliidka iyaga oo leh: lagama soo gaarin Rasuulka iyo Asxaabtii. Wixii aan intaa laga soo gaarinna waa Bidco.
Ogoow, Kitaabka Quraanka waxaa la ururiyay Rasuulka iyo Saxaabada kadib, waxaa loo qeeybiyay 7 Jalaad iyo 30 Jus. Aayadoo quraan ayaa loo kala qeybiyay. Aayad kasta gadaasheeda Calaamd kala soocee Aayadaha ayaa la dhigay. Suuradaha Bilaawgooda Bisinka ayaa lagu bilaabay, shaqalka xuruufta iyo Shidka ayaa lagu daray. Suuradihii ayaa Dusua looga qoray Tani waa Maki ama Madiina oo ah halkii ay ku soo dagaty. Intaasuba waa ka dambeeyeen Rasuulka CSW iyo Asxaabtii, Kitaabkiina waan wada wadanaa ee waa bidco miyaad na dhihi rabtiin.

Masjidul xaram, manbarkiisu waxa uu ahaa 3 Darajo, hadda waa 10, Masjidku ma leheyn meel sare oo laga Aadaamo iyo Codbaahiyayaal. Intuba waa ka dambeeyeen Rasuulka CSWiyo Asaxaabta.

Saxiixul Muslin iyo Saxiixul Bukhari waxaa la qoray oo Axaadiithta lagu ururiyay Rasuulka SCW kadib.

Rasuulka ayaa yiri: waxaan Soomaa Maalinta isniinta oo ah Maalintii aan dhashay. Meeyna aheeyn in uu Maalintaa Cibaado ku weeyneeyay. Anaguna aan ku weeyneeyno, Cibaado iyo in aan Barano Siiradii Rasuulka.
Dadka qaar ubadkoodu waa yaqaaniin Maalinta Kistmaska iyo Sanadka cusub, Maalmo kalena weey soo dhweeyaan,laakin Maalinta Mowliidka ma yaqaaniin.
Rasuulkeena ayaa na yiri: qofkii jideeyo Sunna wanaagsan Ajarkeeda ayuu leeyhay. Nama dhihin, wixii aan suubi jiray oo kaliya suubiya, waxaa la rabaa wixii wanaag ah ee aan wax u dhimeeyn Diinta in aan ku darno.
Ogoow, Asxaabtii soo ma gaarin Mobile, ma bidcaa?

Aqoon yari, iyo Cinaad isbiirsaday ayaa ku leh: Moowliidku ma banaano.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir