1 min read

Taliyaha ciidanka xoogga oo kormeeray guutada 16-aad ciidanka kumaandooska Danab

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibraahin Sheekh Muxyadiin ayaa kormeeray maanta taliska guutada 16-aad ciidanka kumaandoosta Danab , isagoona kulan la qaatay taliyaha guutada, taliye ku xigeenka guutada iyo qaar ka mid ka mid ah taliye ururada guutada 16-aad Danab iyo saraakiil kale.
Ujeedka kulanka ahaa siddii loo dardargalin lahaa hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, isagoona taliyuhu ku bogaadiyey ciidanka Danab inay sii laba jibaaran dagaalka dalka looga xorreynayo Argagixisada.
Danab ayaa kaalin lixaad leh uga jirta dagaalka dalka looga sifeynayo kooxda Khawaarijta, iyagoo ka hawlgalaya qaybo badan oo ka mid ah furimaha dagaalka oo ay guulo waaweyn ka keeneen.