1 min read

War DEG DEG: Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika oo ku dhawaaqay waddanka marti-gelinaya Koobka Qaramada Afrika ee 2025 iyo 2027

Madaxweynaha xiriirka kubbadda cagta Afrika, Patrice Motsepe, ayaa hadda ku dhawaaqay waddanka marti-gelinaya Koobka Qaramada Afrika ee 2025 iyo 2027 (Afcon).

Sida la filayay, tartanka 2025 ayaa lagu qaban doonaa Morocco.

Waxa ay noqon doontaa markii labaad ee dalka kuyaalla waqooyiga Afrika uu martigeliyo tartanka isagoo markii ugu horeysay qabtay 1988.

Dalalkii kale ee 2025 (Algeria, Zambia iyo Benin / Nigeria bid) ayaa dhamaantood ku heshiiyey inay tartanka kabaxaan taas oo keentay in Morocco ay qaadato.

Waxay Morocco u ogolaan doontaa fursad weyn oo ay ku keeni karto Koobka Adduunka Afrika ee 2030-ka taasoo qayb ka ah dalabkooda wadajirka ah.