1 min read

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo bar koontarool ka sameystay deegaanka Geedweyne.

Warrarka laga helayo Gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay jidgooyo dhigteen wadada u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow, halkaas oo ay gaadiidka uga qaadaan lacago lagu sheegay canshuur.

Ciidanka Al-Shabaab waxa la sheegay in ay bar koontarool ka sameysteen deegaanka la yiraahdo Geedweyne, halkaas oo dadka shacabka ee doonaya inay isaga kala gudbaan labada magaalo, kahor safarkooda ay xogta gaadiidka iyo dadka la socdaanba ay ogeysiiyaan kooxda.

Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa sheegay in ay bilaabayaan qorshe Al-Shabaab looga nadiifinayo wadada u dhaxeysa Doolow iyo Luuq, guud ahaana looga saarayo gobolka