1 min read

Taliyaha Asluubta oo Xabsiga dhexe ka dhagax dhigay qayb u gaar ah maxaabiista qabta cudurrada faafa

Taliyaha Ciidanka Asluubta General; Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xabsiga dhexe ka dhagax dhigay qeyb lagu karantiilayo maxaabiista qaba cudurrada faafa.

Taliye Mahad ayaa sheegay in sheegay in saraakiisha Xabsigu ay usoo gudbiyeen in halkaasi lagu hayo dadka qaba cudurrada faara, kuwaas oo la ogaado marka kiiskooda loo gudbiyo Maxkamadaha,

Si caafimaadkooda loo ilaaliyana loo dhiso qayb gaar u ah bukaanka. Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay qaybtan ku dhisayaan si is-xilqaan ah, wuxuuna dowladda dhexe iyo bulshada Soomaaliyeedba ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhismaha gaarka ah ee loogu tala galay maxaabiista qabta cudurrada faafa.