1 min read

Rashford oo xerada tababarka la yimid gaari qaali ah, kaddib shilkii uu galay (Daawo)

Marcus Rashford ayaa dib ugusoo laabtay xerada tababarka ee Manchester United Isniintii kaddib shilkii baabuur ee uu galay iyada oo dhibaatada dhaawaca kooxdu uu sii yaraanayo kahor bilowga difaacashadooda Carabao Cup.

Rashford wuxuu xerada tababarka ee Carrington ku yimid gaariga £600,000 oo gini ku fadhiya ee Rolls-Royce oo uu si xun ugu waxyeelleeyey mid kale oo £700,000 oo gini jooga oo isla Rolls-Royce ah kaddib markii ay isku dhaceen kaasoo ay wadatay haweeney 74 jir ah, kaddib markii United ay 1-0 kagasoo badisay Burnley Premier League habeenkii Sabtigii.

Ilaha ku dhow xiddigga United ayaa sheegaya in Rashford uu ‘wanaagsan yahay isagu’ iyadoo Booliiska Manchester ay arrintan ula dhaqmayaan sida mid ‘mid aan halis ahayn’. Gaariga uu ku yimid waa mid iskoordo u ah midka uu shilka ku galay.

Waase la arki doonaa haddii uu dheeli doono kulanka Talaadadan ee Carabao Cup-ka ee wareegga saddexaad ay ku wajahayaan Crystal Palace gegada Old Trafford, iyadoo macallin  Erik ten Hag la filayo inuu sameeyo isbeddello dhowr ah.