1 min read

Ku dhowaad 30 Al-Shabaab ah oo howlgal lagu dilay deegaano ka mid ah Galmudug.

Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in weli ciidamada dowladda ay howlgallo culus ka wadaan gobollada dhexe ee dalka.

Howlgalladan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanaya iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galeen deegaanada Miliqo iyo Baalal-dheer, isla-markaana ay beegsadeen saddex xarumood oo ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen deegaanadaas.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in howlgalladaasi lagtu dilay ugu yaraan 27 xubnood oo ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanadaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay cagta mariyeen gaadiid iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu laayay howlgalkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Howlgalladan oo soo socday todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, ayada oo sidoo kale looga qabsaday dhul aad u ballaaran.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaalkan wax ka hoggaaminaya, kaas oo u guuray caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.