1 min read

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukunno ku riday xubno ka tirsan Khawaarijta.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun ku riday Saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Daacish.

Xubnahan ayey Maxkamada Ciidanka Puntland ku kala xukuntay xukuno kala duwan oo u dhigan sidatan soo socota.

1: Salmaan Faarax Maxamed waxay Maxkamadu ku xukuntay 15 sano oo xarig ah.

2: Mohamed Ahmed Mohamud waxaa lagu xukumay 10 Sano oo Xarig ah.

3: Abdullahi Shire Mohamud oo ahaa Nabadoon Daacishta damiinta waxaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah.