1 min read

Dowladda Soomaaliya oo ka codsatay QM in dib loo dhigo Waqtiga ka bixitaanka ciidamada Atmis ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa dooneysa dib u dhac ku yimaada ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay ka codsaday QM in ay dib u dhigaan muddo saddex bilood ah wejiga xiga ee bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigatay warqad uu Qaramada Midoobay u qoray la taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali,”Soomaaliya waxay si rasmi ah u codsanaysaa in la hakiyo farsamo ahaan dhimista 3,000 oo askari oo ATMIS muddo saddex bilood ah.”

3,000 oo askari oo ka mid ah 17,000 oo askari ayaa lagu wadaa inay Soomaaliya ka baxaan dhamaadka bishan wejiga labaad ee bixitaanka.

Balse dowladda Soomaaliya oo hadda dagaal kula jirta Al-Shabaab ayaa sheegtay in dib u dhac weyn ay wajaheyso.