1 min read

Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ka taageereysa horumarinta wax-soo-saarka Beeraha

Xubno diblomaasiyiin ah oo ka socda Geeska Afrika,islamarkaana uu hoggaaminayay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada

Xianyang ee Dalka shiinaha ugu qeyb galay shir muhiim ah oo uu soo agaasimay Mudane Zhao Gang oo ah guddoomiyaha gobolka Shaanxi.

Guddoomiye Zhao Gang, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay dhammaan ka soo qaybgalayaasha bandhigga 30-aad ee carwada Beeraha iyo Teknooojiyadda  Shiinaha ee Yangling (CAF) , wuxuuna muujiyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay in ay sii ballaariso iskaashiga gobolka Geeska Afrika ee horumarinta wax soo saarka Beeraha.

Danjire Cawaale Kullane ayaa uga  mahadceliyay guddoomiye Zhao Gang soo dhoweyna milgaha iyo sharafta leh ee loo sameeyay isaga iyo wafdiga diblomaasiyiinka geeska Afrika uu hoggaaminayay, wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimadda ay beeruhu u leeyihiin Geeska Afrika, sidoo kale, waxaanu aad uga mahadceliyay rabitaanka Shiinaha ee ah inay iska kaashadaan arrimahan muhiimka ah.

Kulanka ka dhacay magaalada Shaanxi ayaa ahaa mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhinaca beeraha ee u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Geeska Afrika. Waxaana lagu asteeyay shucuur iskaashi, is ixtiraam iyo go’aan laga gaaro wadaagida kheyraadka, wax ka qabashada caqabadaha jiraiyo fursadaha ka jira Geeska Afrika.