1 min read

WHO oo ku baaqday in xabaal wadareed aan lagu aasin dadka ku dhintay musiibada ku dhufatay Liibiya.

Duqa magaalada Derna ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay magaalada ay caga cagaynayso 18 kun illaa 20 kun oo qof, isagoo caddeeyay in dadka magaalada ku nool ay ahaayeen 100 kun oo qof, dhulka baaba’ayna lagu qiyaasay 100 km.

Afhayeen u hadlay waaxda gurmadka degdeg ah ee Liibiya ayaa sheegay in dadka dhintay lagu aasay sedex xabaalo wadareed.

Laakiin hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO iyo hay’addaha kale ee gargaarka ayaa ku booriyay maamulayaasha Liibiya in la joojiyo in maydadka lagu aaso xabaal wadareed ama in si jaamaaci ha loo gubo, iyagoo caddeeyay in xaalad caafimaad oo degdeg ah aanay hadda ka dhalanaynin maydadka, haddii degdeg loo aasana ay keeni karto bay yiraahdeen mushkilad nafsi ah oo muddo dheer jiitanta, iyo dhibaatooyin bulsho iyo mid qaanuuneed.

WHO ayaa ku baaqday in la hagaajiyo nidaamka maamulka ee aaska dadka ku dhintay daadadka ku soo rogmday Liibiya, iyadoo maydadka loo aasayo si qof qof ah laguna kalsoon yahay