1 min read

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Baarlamaannada Dhallinyarada Adduunka

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Sagaalad ee xildhibaannada dhallinyarada Adduunka oo ka furmay dalka Vietnam.

Shirkaa ayaa diiradda lagu saaraya doorka dhalinyarada ee xaqiijinta u jeedooyinka horumarka waaro iyadoo la adeegsanayo Tiknoolajiyada casriga ah,waxana halkaa xildhibaanada ay kusoo bandhigeen horumada ay gaareen dhalinyarada iyo Arrimaha dowlad dhisida.

Xildhibaan C/risaaq Aadan Warsame, (Xusul) oo kamid ahaa xildhibaannadii khudbadda ka jeediyay madasha ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta horumarka waara ee dhallinyarada.

“dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta horumarka waara ee dhalinyarada, waxa ayna ansixisay dhowr sharci oo muhiim u ah si loo gaaro horumar waara”.sida ayuu yiri Xildhibaan Xusul

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in la gaaro himilooyinka horumarineed ee waara, iyadoo la eegayo dhibaatooyinka ay reebeen abaaraha, Faafida cudurka Karoona, isbeddelka cimilada, iyo argagixisada oo khatarta ku ah nolosha