1 min read

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo ciidanka ku bogaadiyey howlgalka sifaynta khawaarijta

Dhuusamareeb :-Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Cali Ciid Daahir ayaa fariin Hambaliyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Galmudug ka dib qabashadi Saaka ee Dagmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa aad u soo dhoweeyey guulaha is dabajooga ah ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca shacabka, waxa uuna bogaadiyay horumarka ay ka sameynayaan xoreynta dalka.

Madaxweyne Ciid ayaa ku amaanay ciidanka xooga, kuwa difaaca shacabka iyo daraawiishta Galmudug geesinimada iyo nafhuriida ay sameeyeen labadii cisho ee la soo dhaafay, si gaar ahna xoreynta Degaanada; Bacaadweyne, Qeycad, Shabeelow, Xinlibi, Galxagare, Hul-doonyaale, Sargo, Qodqod iyo Camaara.

Subaxnimadii hore ee Saaka ayaa ciidanka xooga, kuwa difaaca shacabka iyo daraawiishta Galmudug waxa ka qabsaday khawaariijta Dagmada Bacaadweyn, Camaara, Qaycad iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug.