7 mins read

Xogaha kaa qarsoon ee Somaliya. (Qoraal Muhimad iyo khatarba ah!!!)

In aad wada akhrisaa Adiga ayey muhim kuu tahay, Anigana Khatar ayey ii tahay.

Qoom Musiibadii, waa Qoom kale Farxadii.
Somaliya waxaa is bedelay Xowligii Dagaaladii Waqooyiga iyo koofurta ka socday.

Sabab:

Markii Dalka Niger oo soo saaro 5% Uranium-ka Aduunka uu ku dhawaaqay in uu joojiyay In USA iyo Yurub loo dhoofiyo Macdantaa, ayna muuqatay in Dagaal sokeeye oo dheeraado loo diyaari doono Dalka Niger. Horena ay Burkino Faso u joojisay Uranium-kii ay Reer Galbeedka u diri Jirtay, Ruushna ay soo dhaweeysatay, ayaa Waxaa bilaawday in Wadamo hal Lug kula jiray Dagaalada Somaliya ee Koofurta iyo Waqooyigu ay Labada Lugood toos ula soo galaan. Waa Ciyaar u dhaxey doonto ilaa 12 Dal oo Ajnabi ah, keenina karto in Map-ka Somlida ee Maantu uu is bedelo, loona kala qeybsado Dhaqaala ahaan, iyada oo weli ay sii jireyso Dowladii Somalida oo madaxbanaanideeda aan lagu xad gudbeyn, laakin ay magac ku ekaato.
Sodonkii Sano ee la soo dhaafay Uranium farabadan ayaa Dalka si sharci daro ah looga doofiyay. Laakin mustaqbalka dhaw waxaa lagu dhoofinayaa Heshiis Dowladeed oo Sharci taban ah.

Kharata ka imaan karto.

1. Shirkadaha khayraad doonka ihi, waxa ay Horeba u diyaarsadeen Ciidan u gaar ah oo aan Dowladda Somalida ka amar qaadan. Haddana waxa ay heshiis la bilaabeen “Local Security Companies” ay leeyihiin Shakhsiyaad Gaar ah oo Somali iyo Ajnabiba ah. Ciidamadaa oo ay u diyaarsadeen si ku talagal ah ayeey u badiyeen Qabiilo gaar ah, isla deegaanka dhaxdiisa. Taasi waxa ay keenee isku dhac Qabiil oo loogu talagalay si ula kac ah, haddii Deegaan qolo gaar ihi ay leedahay amaankiisana loo xil saaro Qolo kale. Dhibaatada ka dhalan karo ayaa ah in Wajiga Labaad ee Dagaalka Dowladu iclaamisay uu isku bedelo Dagaalkii Uranium-ka ee isla deegaanada la xureeyay.

Tusaale:

A. Galmudug hore Shirkaduhu waxa ay u diyaarsadeen 1500 Ciidan dhan, haddana waxa ay qorsheeysteen 3000 kuwaa oo aan ka wada koobneeyn 11-ka Qabiil ee Deegaanka, hogaankana laga yaabee in uu noqdo Saaxiibo isku Jufo hoose ah. Waxaa dhinac Socdo, dhinaca Shidaalka in Odayaasha dhaqanka ee deegaanka qaarkood in loo qoro Mushaarka loo yaqaan “Royalty” ilaa 30 Oday in midkiiba la siinayo $ 7000 -10.000 Bishiiba, muddo 25 Sano ah.

B. Koofur Galbeed. Waxaa joogo Ciidan u dhexeeyo 4500-5000 kuwaa oo Dowladda Ingriisku ay tababartay, iyaduna ay siiso Mushaarka iyo Saanadda Ciidan. Kamana Amar qaataan Maamulka K/Galbeed iyo Dowladda dhexe, waxa ayna u badan yihiin hal jufo oo ka mid ah Beelaha K/ Galbeed.

C. Punt land waxaa joogo ilaa 3.500 ciidan dhan oo ah PMPF oo Imaaraadku tababartay, kamana amar qaataan Dowladda dhexe, waxa ay Gacan siiyaan maamulka Punt land haddii uu u baahdo. Waxaa kale oo jiro Ciidamo Punt land u gaar ah oo Deegaanku leeyahay. Waxa kale oo jiro Ciidanka PFS oo Mareeykanku tababartay Amarna ka qaato Mareeykanka oo kaliya lagana yaabo in ay xiriir dabacsan la leeyahiin Dowladda dhexe.

D. Jubabland iyana waxaa jiro Ciidamo Imaaraadku qalabeystay iyo kuwo wadama kale ka amar qaato.

E. Somali land waxaa jiro Ciidamo gaar ah oo Somali land aan ka amar qaadan.

F. Mogadishu, waxaa ku badan Ciidamo si gaar ah ay u leeyihiin ilaa 60 Security Companies. Waxaa sii dheer kuwo Dowlado gaar ah ay tababarteen oo iyaga ku xiran Mushaar iyo Maamulba.
Intaasi waa Somali dhalasha ahaan.

G. Waxaa sii dheer Ciidamada ATMIS, kuwa wadamada Deriska iyo Ciidamo badan oo dhowr wadan ka kooban oo la leeyahay waxbeey tababaraan ama Safaarado ayeey ilaaliyaan kuwaa oo wato Hub Culus iyo Hubka qafilan. Sida kuwa Talyaniga, Turkiga, Imaaradka, Nageria iyo kuwa kale oo badan.

H. Waxaa la hadal hayaa in ay soo bilawdeen Sahankii Ciidan Calooshood u shaqeystayaal Ajnabiya ah, oo Dalal kalena ay soo dirsanyaan, is ay Gow iyo Gash male Ciyaarta uga dhigaan.

2. Khatarta Labaad, Wadamada Afrika ee khayraadka dabeecigaa laga soo saaro ma jiro mid kaliya oo dhaqaale ahaan Shacabkiisu ka faa’iiday khayraadkiisa iyo mid khayraadkiisa ku helay Nabadgalyo buuxdo, badanaa waxaa loo diyaariyaa Dagaalo sukeeye si Dowladda iyo Shacabkaba loogu mashquuliyo, waxaana la diyaariyaa Madax gacanta lagu hayo oo haddii laga dareemo Wadaniyad la bedelo ama la dilo sidii horeba uga dhacday Bartamaha iyo Galbeedka Afrika.

Sida ay qortay “The New york times” dhawaan, USA iyo UK oo daneynayo Uranium ayaa ku soo biiray dagaalka Galmudug oo Saldhigyo ka dhiganayo Magaalooyinka Galcad iyo Xaradheere

Waxaa kale oo jiro Afar Cabsi oo ku gadaaman Uraniumka Somalia, sida ku qoran warbixinta ((( Nuclear Security and Somalia))) iyo Qoraalkii hore ee (Westinghouse seeks Somalia Uranium) iyo Qoraala kale oo aan soo xigtay, kuwaa oo Diidan in shuruud la’aan hadda la soo saaro Uranium-ka Somalida, Sababna uga dhigayo:

a) Sida ay qabto international Atomic Energy Agency ( IAEA) Dowladda Somalidu malahan awood ay ku xakameyso Khatarta waxyaaba laga sameey karo Hubka halista ah.
b) Somaliya waxa ay leedahay Kayd Uranium oo aan xafidneeyn oo si fudud ugu dhici karo Gacanta ganacsato si tuugeeysi ah uga faa’iido.
c) Uranium-kaa aan xafineeyn waxa uu Gacanta u gali karaa Argagixiso ka sameyso Hub khatar ah.
d) Waxa jiro kuwa loo yaqaan ” Ecomafia” oo ay suuragal tahay in Sun ay ku aasaan meelo aan ku habooneeyn oo Somalia ah sida horeba u dhacday, aragtidaa waxaa qabo Hayadda IAEA ee Caalamiga ah.

Tallo.

Khatarahaa waxaa looga badbaadi karaa in Heshiisyada aad looga fikero iyo in Hayadda Maamuleyso ay noqoto Hayad Somaliya oo ay hagayaan ilaa 100 Xubnood Somalia ka kooban, si taxadar lehna Dadka oo dhan looga soo xulo, ayna ka madax banaanaadaan Dowladda dhexe ayna lahaadaan Go’aanadda Masiiriga ah ee Khayraadka 60% Halka Dowladdu ay leedahay 40%.

(( Isku Diyaari Dagaalka Uraniumka, Shidaalka iyo Khayraadka kale)) .

FG: Ha walwalin, intaa waxaa igala sii daran in Dalka ay ku soo bilaawdeen walkiiladda Kooxda Xagjirka Masiixiyiinta ah ee loo yaqaan “Netflix” iyaga oo soo Dhaxmaray wakiiladda UN-ka ee Somalida iyo in Markii ugu horeysay Dalka ay joogaan Shakhsiyaad Somaliya oo ka Wakiilo ah, kana tirsan kooxda Sheydaanka Caabuddo “Devil worshipers- illuminati”. Kuwaa oo Dunida ku leh Saameyn Siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Madax badan oo Dunida joogto ayaa xubno ka ah Ururkaa , gaar ahaan kuwa Wadamada waaweyn.

Gunaanad

Waan ogahay in ay dhib badan tahay in aad wada hesho Xog sugan oo ku saabsan Mowluucyda Sare, waana ogahay in aad ogaato iyo in aad Cid kale la wadaagto in ay khatarteeda leedahay….. Allhuma Najinaa.
Aniga oo dhibaatada iiga imaan karto og ayaan ku dhiiraday in aan kula wadaago, Xogta qarsoon. Haddii aad doonto si cilmiyeysan u sii raadi Xaqiiqda khatarta qorsheysan.

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir