1 min read

Maraykanka oo ka digay halis uga iman karta argagixiso gudaha ama dibadda ah.

WASHINGTON — Masuuliyiinta dalka Maraykanka ayaa ka digaya inay jirto “khatar aad u sarraysa” oo la xidhiidha weeraro ka iman kara argagixiso gudaha ah ama kuwo debedda ah sannadka soo socda. Arrintan ayaa lagu sheegay warbixin cusub oo ay Khamiistii sii daysay Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanku.

Warbixintan ayaa farta ku fiiqday, waxa ay ku tilmaantay fikradaha khiyaaliga ah, tabashooyinka shakhsiga ah iyo waxa ay ugu yeedhay “fikrado dawlad-diidnimo ah oo ku salaysan isir, qowmiyado ama aragtiyo diimeed”, kuwaasoo inta badan lagu wadaago baraha internetka, kuwaasoo dhammaantood u adeegaya inay dhiirigeliyaan kooxo yaryar iyo shakhsiyaad ku sugan gudaha Maraykanka.

Warbixintan ayaa sidoo kale ka digtay in xubno sarsare oo ka tirsan ururada argagixisada ee debeddu, sida al-Qaacida iyo ISIS oo kale, inay doonayaan inay dib u soo ceshadaan sumcaddoodii, iyaga oo raadinaya inay helaan taageerayaal cusub oo qaadi kara weeraro gacan ka hadal ku dhisan.

Warbixinta ayaa ka digtay in kooxaha argagixisada ee ajnebiga ahi ay u muuqdaan inay bartilmaameedsan karaan meelaha uu u jilicsan yahay Maraykanku.

“Shakhsiyaad xidhiidh la leh ururada argagixisada ayaa waxay xiisaynayaan inay isticmaalaan marinada socdaalka, si ay u soo gaadhaan Maraykanka” ayaa warbixintan lagu sheegay.

Warbixintan waxaa qoftay VOANEWS