1 min read
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ka hadlay wiilashii badbaadiyay Qoorqoor.
Madaxwaynaha hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si qiiro leh uga hadlay labaddii askari ee shalay ku dhintay weerar lala beegsaday madaxweynha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo madax kale oo la socotay.
Mr Shariif ayaa carabka ku adkeeyay in labadaasi wiil ay naftooda u hureen si ay dad kale u badbaadiyaan.
Waxaa uu intaa ku daray in arrintan ay muujineyso in dadka Soomaaliyeed ay soo gaareen heer ay go’aansadeen inay cadowga iska dhiciyaan.