1 min read

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magacyada saraakiil Shabaab ah oo la diley.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in saraakiil ka tirsan Al-Shabab lagu dilay howlgal laga fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe .

Bayaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamka uu ka dhacay deegaanka Gumarka Cosobow Cali oo ka tirsan degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe laguna dilay saraakiishan.

Hawlgalkan oo la fuliyay12-kii bishaan, ayaa sida ay dowladda sheegtay lagu dilay Salaad Dheere, Cabdullaahi Ciilow, Shucayb, Cabdullaahi Xuseen Qodax “Cabdullaahi Madoobe” Bagaax, sargaal kale oo lagu magacaabo Saylici iyo Axmad Maxamed oo loo yaqaanay Xerow iyo Nadiir,

Sida ay dowladda sheegtay raggan ayaa xilal kala duwan oo muhiimn ah u hayay kooxda Al-shabab.