2 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 373=Somalidu maxeey u taqaan Ragga Haweenku Biilaan?=

1. Robert mugabe, ayaa yiri: Nin ayaa Dhakhtarkiisu ku yiri: waxaad qabtaa Kansar Xun, waxaadna noolaa kartaa 2 Sano oo kaliya.

Ninkii waxa uu dilay Dhakhtarkii. Kadibna Maxkamaddii ayaa ku Xakuntay 20 Sano. Ninkii ayaa yiri: Kaba Go’aan fiican Dhakhtarkii, Cumriga ayeeyba ii siyaadisay Maxkamadu. (F.S:1aad).

( Maxkamad ku taal Somaliya ayaa Nin lagu soo Eedeeyay in uu Khasnadda Qaranka ka xaday 5 Million oo Dollar. Waxaa lagu xakumay 6 Bil oo Xarig ah, laakin lama dhihin Hantidii soo Celi. Ma Tuugada ayaa la dhiiri galinayay)

2. Obas Olokpedje, ayaa yiri: Haddii aad aragto Naag Garoob ah oo leh 4 Caruura ma ahan “Single Mother” ee waa “Public Mother” Hooyo Bulsho . ( F.S:2aad)

( Haddii ay leedahay 8 Caruura oo kala Aaabe ah maxeey noqonee? Ninkii leh 8 Caruura oo Kala Hooyaa isaguna muxuu noqonaa?)

3 . Gabar ayaa Saaxiibkeedii hore u soo dirtay Sawirkeeda, kuna tiri: Nin kaa Qurux badan oo Taajir ah ayaa i soo doontay waana diiday.
Isagiina Sawirkiisa ayuu u diray, waxa uuna yiri: waan is naqaan Aniga iyo Adigu, Anigaba waxaa i dalbatay Kooxda Kubadda Cagta ee “Liverpool” oo iga bariday in aan u ciyaaro Usbuuciina $1 Million ay i siiyaan waana ka diiday. (F.S:3aad)

( Adiga weligaa Qof aad taqaan makuu Booteeyay?)

4. Robert Mugabe: Mar kaata waa waajib in Ninku uu Xaaskiisa Quudiyo. Sababta oo ah Markii ugu Dambeysay ee Haweenu ay Saygeeda Quudiso, waxaa nalaga soo Saaray Jannadda. ” Nabi Adam CS ayeey Xaaskiisu siisay Miro laga mamanuucay. (F.S:4aad)

( Somalidu maxeey u taqaan Ragga Haweenku Biilaan?)

5. Madaxweynaha Kuuriya, Jim-jong-un ayaa yiri: waxaan la yaabay sida Caddanku ay ugu Guuleeysteen in ay Afrikaanka ka Dhaadhiciyaan in Guurka Xaasaaka Badan uu Dambi yahay. Laakin Guurka Qoqmu Luudnimada ee Laba Rag ahi uu yahay Xuquuqda Bini Aadamka.

Waxa uu sii raaciyay ilaa Afrikaanku ay ku dhaqmaan Diintooda iyo Dhaqankooda ma horuumarayaan. (F.S: 5aad)

( Runtii miyaa? Somaliya meeqa wax oo diinta Islaamku u diiday ayaa looga dhigay Xuquuqul insaan)

6. Nin Baadari ah ayaa tagay Tuulo ku taal Afrika, waxa uuna ku yiri: Qof kasta Berri kaniisadda ha u soo Gudbiyo Brobleemka heeysto, waana laga Xalinayaa. Nin ayaa keenay Xaaskiisa ( F.S: 6aad)

( Haddii la dhihi lahaa Dal kasta oo Afrika ah ha keeno dhibka heeysto, Somaliya Maxeey keeni leheyd)

Qore:Yahya Amir