1 min read

Qarax ka dhacay duleedka degmada Maxaas oo madaxweynaha Soomaaliya ku sugan yahay

Warrarka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay meel qiyaastii 5 km u jirta degmada Maxaas oo uu hadda ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qof ku sugan gudaha Maxaas ayaa BBC-da u sheegay in qaraxa uu ka dhacay dibadda magaalada kaddib markii ciidamada deegaanku ay rasaas ku fureen gaariga uu qaraxu saarnaa.

wixii warar kasoo kordha halkan ayaan idiinkusoo gudmin doonnaa.