1 min read

Maraykanka oo 2 malyan oo dollar ugu deeqay xoojinta ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ATMIS.

Mareykanka ayaa $2 milyan oo dollar ku abaalmariyay Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) si loogu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
UNSOS waxay taageertaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), si ay isaga kaashadaan howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Abaalmarintan lacageed ayaa lagu maalgelin doonaa gaadiidka iyo daadgureynta daawaynta Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyadoo la raacayo waajibaadka UNSOS.
“Waa muhiim in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay helaan taageerada saadka ee loo baahan yahay si looga adkaado al-Shabaab goobaha dagaalka,” ayuu yiri Shane Dixon, oo ah Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
“Waan ku hanweynahay inaan taageerno UNSOS, oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Mareykanka iyo Soomaaliya hadafkeenna aan wadaagno ee horumarinta nabadda.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shane Dixon.
UNSOS waxaa hadda loo igmaday in ay taageerto 15,900 oo ka tirsan Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, si ay uga taageeraan baahiyaha saadka ee ay u baahan yihiin ciidamada.
Dhinaca kale UNSOS waxay sheegtay in ay tabarucdani ku soo beegantay waqti ku habboon. Waxay sheegtay inay si togan u saamayn doonto hawlaha ku aaddan bixinta taageerada saadka ee degdegga ah ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.