2 mins read

Maxamed Waare oo sheegay in Beesha Hawiye aysan dagaalka Daacad ka ahayn.

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si ba’an u weeraray qaabka loo wado dagaalka ka dhanka al-Shabaab, waxaana uu ku tilmaamey mid aan daacad laga ahayn.

Waare ayaa si gaar ah u eedeeyey beesha Hawiye, waxaana uu sheegay in aysan dagaalka daacad ka ahayn oo aysan dooneyn in dalka laga xoreeyo al-Shabaab mar uu waraysi siinaayey Weriye Ayaanle Xuseen oo facebook wax ku baahiya.

Sababta Hawiye aanu dagaalka u rabin ayuu sheegay in ay ugu horeyso oo ay diidan yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud guuleysto ama uu taariikh reebo laguna xusuusto in uu dalka ka xoreeyey argagsixsada, waxaana hadalkooda ugu horeeya Xasan nagu guuleysan maayo ayuu yiri.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayuu ku eedeeyey in uu yahay rukunka u weyn ee ciidamada fashilinaaya, waxaana uu ku eedeeyey falal danbiyeedyo culus oo ay ka mid yihiin in ku lug lahaa weerarkii Galcad ee bilowga sanadkan lagu diley ciidamobadan oo ka tirsanaa Danab kuwaas oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenkii ciidanka Danab sidoo kale waxa uu ku eedeeyey in guuldaradii Cawsweyn uu qayb ka ahaa, faraha uu la galay shaqadii saraakiisha

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayuu ku eedeeyey in uu soo dhaweeyey xubin weyn oo denbiyo dagaal loo haysto kaas oo lagu magacaabo Maalinguur oo uu isku soo sawirey sheegana in uu wasiirkiisi yahay markii uu isa soo dhiibey.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamey wixii ka dhacay Dhuusamareeb ee Madaxweyne Xasan Sheekh la kulmey in ay tahay wax qalbi jab ah oo aanu ka sheekayn karin oo cadowgu ku raaxeysanaayo.

Maxamed Cabdi Waare ayaa kula taliyey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dib ugu soo noqdo Muqdisho, kadibna Hawiye dib isugu noqdo oo dagaalka soo galo, haddii taas ay diidaan ay noqoto in laga tashto oo aan dowaldnimo danbe la sugin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laba maalmood ku sgan Maxaas, waxaana uu ka dhamaan aayey muan la xiriira sidii uu Hiiraan laba gobol uga dhigi lahaa una ictiraafi lahaa Hiiraan State.

Waxaa la is weydiinayaa waxa ku dhacay dowladdii Soomaaliyeed, ciidamadii mudada dheer la dhisaayey, maadaama warku ku soo ururay beel gaar ah.