1 min read

Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka sameeyay koofurta Mudug.

Gaalkacyo;-Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya Qeycad iyo shabeelloow ee koonfurta Gobolka Mudug.

Goobaha uu saaka ka dhacay howlgalka ayaa ahaa dhul ay khawaarijtu ku dhuumaalaysan jirtay, halkaas oo ay sidoo kale ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

Gaashaanle, Cabdiraxmaan Nuur Sahal Sheekeeye iyo abaan-duulaha Guutada 27 ee Abu-dijaana, Gaashaanle Cabdullaahi Xuseen ayaa howlgalka ka dib la hadlay Cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka, iyagoo sheegay in aysan ka hari doonin kooxda khawaarijta meel kasta oo ay u cararaanna ay kaga daba tegi doonaan.