1 min read

Kenya oo dib u hanatay 3 jasiiradood oo si sharci darro ah loo haystay

Hay’adda la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo ceshatay saddex jasiiradood oo ku yaalla badweynta Hindiya oo ay si sharci darro ah u qabsadeen saddex qof.

Afhayeenka Hay’adda Eric Ngumbi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay ku guda jiraan soo celinta Jaziirad afaraad, taasi oo Eedeysanuhu diiday inuu soo dhiibo.

Sida lagasoo xigtay Guddiga Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa, iyo hay’adda la-dagaallanka musuqmaasuqa ee Kenya, afarta jasiiradood ayaa qiimahoodu dhan yahay 305 milyan oo shilinka Kenya ah ($2 milyan oo doolar).

Jasiiradahan waxa loo qoondeeyey inay noqdaan meel la ilaaliyo oo hoos timaada kaydka badda ee Kisite Mpunguni sannadkii 1978. Ilaa wakhtigaas, waxay si sharci ah uga tirsan yihiin Adeegga Duur-joogta Kenya (KWS), oo ah hay’adda maamusha oo ilaalisa khayraadka duurjoogta dalka.

Mr Ngumbi ayaa warbaahinta u sheegay in lahaanshaha gaarka ah ee jasiiradahaasi oo si qarsoodi ah loo isticmaalo isla markaana labo saacadood oo kal u jira berriga dalka ay keenayso khatar maadaama ay dadku jasiiradahaasi u isticmaali karaan falal dambiyeedyo ka fog isha dawladda.