1 min read

Wasiirka gaadiidka oo Sacuudiga kaga qayb galay shirka horumarinta iyo gaadiidka badaha.

Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS Amb. Cabdullaahi Axmed Jaamac ayaa maanta Magaalada Jeddah ee Dalka Sucuudiga uga qayb galay shirka horumarinta iyo adkaynta arrimaha gaadiidka badaha, Dekadaha iyo isbeddalka Cimillada kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Wasiirka Wasaarada Dekadaha ee Dalka Sucuudiga.

Shirka oo socon doona maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in uu Wasiirku qudbad ka jeediyo.