1 min read

Warar is khilaafsan oo ka soo baxaya dad ku dhintay duqeyn xagga cirka ah oo shalay lagu qaaday aagga Xarardheere

Duqeyn xagga cirka ah oo Sabtidii lagu qaaday xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Mudug ayey wararku sheegayaan in koox maxaabiis ah oo halkaas ku xirnayd uu soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Odayaal ehel la ah maxaabiista dhibtu gaartay ayaa BBC-da u sheegay in 5 kamid ah dadkii halkaas kooxdu ku haysatay ay ku dhinteen, halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen. Lixda dhaawaca ah labo kamid ah ayaa la sheegay in dhaawacoodu uu aad u daran yahay, haddana lagu hayo agagaarka Jowle oo ku dhaw degmada Xarardheere.

Odayaasha BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan in dhaawaca laga soo qaado halkaas.

Duqeyntan oo ay gaysatay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa shalay ka dhacday deegaanka dumaaye oo qiyaastii 49km u jira degmada Xarardheere.Mas’uul ka tirsan maamulka Galmudug oo codsaday in aan magaciisa la shaacin wuxuu BBC u sheegay in akhbaartaas ay maqleen balse “aysan hubin in odayaashaas ay duqaynta ku dhinteen ama in AL Shabaab ay dileen si loogu ekeysiiyo dad duqeynta ku dhintay”.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganaysay gudoomiyaha degmada Xarardheeere Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa sheegtay in halkaas lagu dilay ku dhawaad 200 oo dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Wasiirka arrimaha gudaha gudaha ee dawladda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqina wuxu sheegay “inay isla bas-beeleen xerada iyo dagaallamayeyaashii ku jiray”.