1 min read

Laanqayrta Cas oo soo bandhigtay tirada maxaabiista uu hayo Maamulka SSC Khaatumo.

Maamulka SSC ayaa horay u sheegay inay dagaalkii Jimcihii hore ku qabteen maxaabiis aad u fara badan oo u dhaxaysa 262 ilaa 300, kuwaasoo uu ku jirey  taliyana u ah Guutada 12-aad ee ciidamada Maamulka Somaliland Faysal Bootaan.

Haatan Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay tirada rasmiga ah ee ay kusoo arkeen xabsiyada Maamulka SSC oo ay shalay booqdeen.

”31, Agoosto waxaanu booqashadeennii ugu horreeysey ugu tagnay maxaabiis kor u dhaafaysa 300 askari, maxaabiistani waa kuwii lagu qabtay dagaalkii ugu dambeeyey ee asbuucii hore dhexmaray ciidamada SL iyo kuwa SSC Khaatumo.” ayay Hay’adda Laanqayrta Casi ku qortay bayaan kooban oo ay soo saartay.

Laanqayrta Casi ma sheegin wax tillaabo ah oo kale oo ay qaadday sida barnaamij maxaabiis is dhaafsi ah, wax cafin ah IWM, iyadoo Maamulka SSC uu horay u sheegay in maxaabiista la marin doono nidaamka maxaabiista dagaalka ee caalamiga ah.

Dhanka kale, warar aan la xaqiijin karin oo ka imanaya dhanka warbaahinta degaanka ayaa sheegaya, in tiradda maxaabiista ayaa sii kordhaysey 24-kii saac ee lasoo dhaafay oo la helay in ka badan 30 askari oo dhulalka miyiga ah laga soo qabtay.