1 min read

Hogaamiyaha Khaatumo oo dadka ugu baaqay inaysan ku soo laaban Laascanood.

Hogaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa ka hadlay dad uu ku sheegay in ay ku xoomeen dhulka Goojacade iyagoo doonayo inay dhul ka qabsadaan. Hadalkan ayuu ka sheegay khudbada saaladda jimcaha oo uu kula tukaday dadweynaha Laascanood.

Mudane Cabdiqaadir oo arrimahaas ka hadlayay ayaa yiri, “waxaa soo baxay dad badan oo ku dareeray degaanka Goojacade oo calaamadeysanaya [dhulka], waxaan leeyahay dhulkaasi waxaa iska leh maamulka,hadii ay jirto cid kale ee sharci u haysata dhulkaas waa eegaynaa”

Waxaa uu sidookale soo hadal qaaday xaalada maxaabiista, isagoo sheegay in loola dhaqmayo sida ugu wanaagsan.

Ugu dambeyntii waxaa uu dadka ka maqan magaalada ugu baaqay in aanay ku soo noqon magaalada,gaar ahaan caruurta.