1 min read

Madaxweyne Qoor-qoor oo gaaray deegaanno hoos taga Ceelbuur

Ceelbuur :-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane, Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Safarka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirragelinta ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah iyo shacabka deegaanka, kuwaasoo u awood sheegtay kooxaha khawaarijta ee argagaxisada ah.