1 min read

Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis horumarineed

Muqdisho :-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Dowladda Mareykanka la saxiixatay Heshiis Horumarineed oo gaaraya $92.6 Milyan kana turjumaya iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan  aFaraax (Beenebeene)  iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dowladda Soomaaliya u saxiixay heshiiskaan, halka dowladda Mareykanka uu u saxiixay sii hayaha xilka safiirka dowladda waddankaas.

Heshiiskaan deeqda ah wuxuu ka turjumayaa iskaashiga qotada dheer ee Mareykanka iyo Soomaaliva kaas oo ku salaysan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqaalaha, kobcinta dowladnimada, awood-siinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhallinyarada.