1 min read

Dalal Cuqdeysan iyo Guusha Hindia!!!

Hindiya ayaa noqotay wadankii ugu horeeyay ee Dayax gacmeed ku dajiyo Bisha Qeybteeda Maddow” Dark Side of the Moon”. Waxaa ku dagay Dayaxgacmeedka loo yaqaan “Chandarayaan-3”
Taasi waxa ay ka careysiisay wadamo badan oo Reer Galbeed ah oo ingriisku ugu horeeyo. In wadankii uu Gumeeysan jiray ee ka tursanaa Caalamka Saddaxaad uu uga hor maro Hawada sare. Iyada oo hore Dhinaca dhaqaalaha GDP ay Hindidu gashay Booska 5aad, ingriiskana ay ka hor martay. Waxaa sii dheer isbaheeysiga Cusub ee dhinaca dhaqaalaha BRICS uu Gacanta ku hayo Goobaha shidaalka Aduunka laga soo saaro 80%. Iyo Shucuubta Caalamka 85% ka badan.

Qodkii Qof ka hoosey jiray uu ka hormaro iyo Dowladii Dowlad ka hoosey jirtay ay ka hormarto Cuqdo lagama waayo.

La soco isbedeladda Aduunka. Mahadsanid.

Qore: Yahya Amir